Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Kasoo Baxay Madaxweynaha Wadanka Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli dhowaan Madaweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Soomaliya iyo Somaliland  ayaa waxaa arrintaan ka jawaabtay Somaliland oo sheegay nuuca uu noqonayo wadahadallada ay la galayso dowladda federalka Somaliya.

Madaxweynaha wadanka Uganda oo qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan, taas oo keeni karta in caqabadahaas wadajir loo xaliyo sida uu hadalka u dhigay.

“Dadku waxay la kulmayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn midab iyo diin; sidaa darteed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu ku yiri qoralkiisa madaxweynaha Uganda Museveni uu soo uu soo dhigay bartiisa X (Twitter)

Qoraalka Museveni ayaa waxaa xigay bayaan kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland oo lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya, xilli dhowaan sariif ay u magacawday Somaliland Uganda.

“Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni “ ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaaka ayaa kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo waxaa lagu yiri” “Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya.”

Hadalkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli mas’uuliyiin kala socda labada dhinac ay ku sugan yihiin Somaliland, xilli madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu halkaas kulan kula qaatay wasiirka Difaaca Mareykanka Lloyd Austin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this