Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamza oo si weyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis

Recommended Posts

Deeq A.   
381654490_671701758392307_39752726134454

Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumanaan kun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka.

Mudane Xamza ayaa si gaar u dul istaagay horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay ee dhinacyadda amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta Al-Shabaab, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, isaga oo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada New York oo uga qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.

Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa New York la kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Mudane Xamza ayaa Joe Biden u sharaxay si ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay muhiim ugu tahay inay helaan hub casri ah oo ay kaga adkaa karaan argagixisada, sidoo kalena ay ugu difaacaan dalka, maadaama ay dhawaan la wareegayaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada-hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gaba-gabada maraya, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

381654490_671701758392307_39752726134454

380826422_671701675058982_14563870798600

380821261_671701811725635_11424087996568

382230799_671701655058984_76979640273073

380816137_671701535058996_81902007540775

382237702_671702028392280_10751508007249

380892951_671702101725606_63186163515775

382839188_671701941725622_61948700569015

382237583_671701965058953_39880301274001

380831216_671702165058933_59446946357207

381639489_671701891725627_13523277906684

381022057_671701991725617_15163628019146

380807104_671702065058943_46034762401063

382237763_671702388392244_54050973496824

380734471_671702411725575_56800998726385

382240159_671702725058877_40573736587912

380800964_671702458392237_70485451854845

380831082_671702848392198_80244717008783

380835286_671702995058850_70342032777176

The post Sawirro: R/W Xamza oo si weyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this