Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya ay Al-Shabaab fursad ugu noqotay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya heerka shaqo la’aanta waa xad dhaaf, xilli la sheego in dadka waddanka ay 75% dhalinyaro yihiin. Dowladdihii iskaga dambeeyay xukunka dalka tan iyo shirkii Carta ee 2020 kuma guuleysan inay hindisaan shaqooyin najaxa oo dhima baagamuudada baahsan ee dhalinyarada iyo saboolnimada sida weyn u saameysay dadka Soomaaliyeed.

Markii aad tahay waddan haysta dhalinyaro sidaas u badan oo haddana baagamuunda, bayacmushtarkiisuna ay shaqooyinka ku bixiyaan dariiq beeleysan tiiyo ay tacliintu hooseyso waxaa aad u sahlan in dalkaaga uu noqdo hoyga calooshood u shaqeystayaasha.

Mashruuca argagixisada ee yaallay Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo ka yimid dalka Koonfurta dhexe ee Eeshiya ku yaalla ee Afghanistan, wuxuu halaagay kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo iyaguna sabab u noqday dhimashada tobanaan kun oo shacab, madax iyo ciidan iskugu jira.

Kooxda waxay inta ugu badan dhalinyarada ugu faa’iideysata daruufaha shaqo la’aanta ee ka jira dalka. Inta ugu badan xubnaha kooxda ee lasoo qabtay markay ka sheekeysanayaan sidii ay ugu biireen iyo nuuca heshiisyada lala galay waxaad fahmeysaa inay uga faa’iideysteen daruufta shaqo la’aanta.

Inta ugu badan dhalinyaradaas waxay kusoo xera-geliyeen inay siinayaan mushaar u dhaxeeya boqol illaa laba boqol oo dollar iyo inay u qabanayaan shaqooyin aad u yaryar, kadibna dambiyo waaweyn ayay gacanta u galiyaan si qofkaas uu dookha uga lumo oo ugu qasbanaado inuu iyaga daacad ugu noqdo, illaa marka dambe ay gaarsiiyaan inuu si buuxda ugu qanco fikirkooda, kaas oo gunaanadkiina qofkaas dhalinyarada ah gaarsiiya inay ku qanciyaan inuu isdilo oo uu naftiisa qarax ku xiro ragga fikirka wataana ay sii noolaadan.

Waa qof dhalinyaro ah oo markii hore daruufta shaqo la’aanta looga faa’iideystay markii labaadna dambiile laga dhigay oo ehelkiisa, saaxiibadiis iyo bulshadii caadiga aheyd laga fogeeyay, marka saddexaadna cilmi loo sheegtay oo lagu yiri dariiqa saxda ah waa inaad adigu dhimataa inaguna aan sii jirnaa.

Gabadha aan warbixinta aan kusoo qaadaneyno ayaa waxaa lagu magacaaba Xaawo, waxay sheegtay inay la shaqeynaysay kooxaha argagixisada. Waxay maxkamadda ciidamada ee dowladda Soomaaliya ka hor sheegtay inay u hayn jirtay hubka, meeshii ay keen yiraahdana ay ugu geyn jirtay iyaga oo bishii siinaya lacag boqol dollar ah.

Gabadhan oo sheegtay in Sacuudiga laga soo tarxiilay iyada oo shaqeysanaysa waxay u muuqata inay baratay shaqo iyo lacag helid tiina ay weysay, iyaguna ay u muujiyeen fursad ay bishii lacag ku heli karto.

Inkasta oo ay tahay dambi in loo shaqeeyo kooxaha argagixisada haddana waxaad halkan ka fahmaysa sida kooxda ay uga faa’iideysaneyso shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, kadibna ay gacmaha ugu galineyso dambiyo waaweyn illaa marka ugu dambeysa ku qanciyaan mashruuc la yidhaahdo naftaada jar.

The post Sidee shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya ay Al-Shabaab fursad ugu noqotay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this