Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695632607574.jpg?resize=696%2C46

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo ay u sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saaxiibada Caalamiga ah oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa duqeyn ka fuliyay duleedka degaanka Dhagax-dheer ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in duqeynta ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno badan oo katirsan Ururka Al-Shabaab, laguna burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Koonfur Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, isla markaana ay ku dhow yihiin inay la wareegaan degaanka Caad.

PUNTLAND POST

The post Duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this