Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka walaacsan joogitaanka ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
910f18f2-97d0-11e5-9aa0-28ea742fb738_ima

Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa joogitaanka ciidamada Shiinaha ee Jabuuti.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Jabuuti ay walaacooda la xiriira joogitaanka militaraiga Shiinaha ay la wadaagi doonaan.

Maraykanka ayaa hore cabasho uga muujiyay ciidamada Shiinaha ee ku sugan saldhiga dalka Jabuuti kadib markii uu ka dareemay khatar amni.

Sannadkii 2018 dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka walaacsan joogitaanka ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this