Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo beenisay in ay diyaar u tahay wada-hadal ku saabsan midnimada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Biixi.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Somaliland ayaa ku gacan sayrtay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan midnimada dalka.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

Qoraal ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan wax la xiriira midnimo.

“Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo beenisay in ay diyaar u tahay wada-hadal ku saabsan midnimada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this