Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo diyaarisay ciidan xoreynaya degmooyinkii uu ka soo baxay militeriga

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa loo diyaarinayaa in dib loogu celiyo degmooyinkii ay horay uga soo baxeen ee Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku sugan tahay.

Maalmahaan Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada diyaargarow militeri oo xoog leh, ciidamo u badan Gor Gor oo horay uga soo baxay deegaanadaas ayaa la doonayaa in hadda dib loogu celiyo.

Saraakiil militeri ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in toddobaadkaan la qorsheynayo inay ciidamada xoogga dalka ka dhaqaaqaan xeryahooda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in degmooyinka iyo deegaanada laga soo baxay ay la xiriirto arrimo farsamo iyo xeelad militeri, balse hadda ayaa dib loo abaabulayaa howlgal mar kale lagu xoreynayo deegaanadaas.

Ciidamada ka soo baxay magaalooyinka kor ku xusan ayaa todobaadyo ka hor isugu tegay magaalada Aadan-yabaal, halkaas waxaa uga hor tegay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la isla xisaabtan iyo guubaabin kadib lasiiyey fasax maalmo ah.

Hadda ciidamada waxaa u soo dhamaaday fasaxii lasiiyey waxaana dib loogu celinayaa deegaanadii ay ka soo baxeen oo Shabaab ay dib u qabsadeen, waxaana suurtagal ah inay dagaallo ku galaan oo kooxdu ay isku daydo inay difaacato.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dagaallada ugu culus ayaa hadda ka socda Galmudug.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Shabaab ku weeraray deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay, kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay difaacdaan deegaanka.

Dowladda oo war ka soo saartay dagaalkii Shabeelow waxay sheegtay in lagu laayey Shabaab badan, isla markaana khasaaraha gaaray kooxda labadii maalmood ee laaoo dhaafay uu ka badan yahay 70 maleeshiyaad iyo saraakiil ah, gaadiid badan oo duqeymo looga burburiyey.

The post Xog: DF oo diyaarisay ciidan xoreynaya degmooyinkii uu ka soo baxay militeriga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this