Liqaye Posted January 6, 2007 Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Oo Muqdisho kusoo jeeda Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Mareykanka Jandayi Frazer iyo wafdi kale oo caalami ah ayaa lagu wadaa in maalinta beri ay soo gaaraan magaalada Muqdisho. Wafdigan ay hoggaamineyso Jandayi Frazer ayaa kulamo la yeelanaya madaxda dowladda Federaalka, aqoonyahanada iyo waxgaradka beelaha Soomaaliyeed, waxayna ujeedadeedu tahay sidii Soomaaliya aysan fowdo ugu dhicin. Dhinaca kale xubnahan ayaa lagu wadaa iney maalinta berito ah Muqdisho yimaadaan iyadoo ay kulan ay kula qaadan doonto caasimada Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedddi. Mareykanku ayaa isagu daneynayo in ciidamada Itoobiya marka ay ka baxaan Soomaaliya si deg deg ah ula wareegaan amaanka dalka, si aysan u soo laaban qabqablayaashii dagaalka iyo kooxihii maxaakiimta ee laga awood roonaaday dalka. Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe xuurshe114@hotmail.com www.somaliweyn.com Quote Share this post Link to post Share on other sites