Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo Caalamka u Xaqiijisay Mowqifkeeda ku Wajahan Wadahadallada u Socday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo Caalamka u Xaqiijisay Mowqifkeeda ku Wajahan Wadahadallada u Socday Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay mowqifkeeda ku wajahan wada-hadallada
ay la yeelanayso Soomaaliya oo ay caddaysay in aanu ahayn midow, hase ahaatee uu la xidhiidho sidii ay u kala tagi lahaayeen labada dal ee hore u midoobay.

Sidaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed dheer oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxana ay sheegtay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kale u caddaynayso Midowga Afrika iyo beesha caalamka in aanay qorshaha wadahadalka ku jirin midow ay la gasho Soomaaliya.

Waxa kaloo ay bayaamisay in sidii lagu bilaabay wadahadallada 2012kii ay wada xaaajoodyadu u dhexaynayaan labada dhinac ee wada hadlaya oo kala Xukuumadda JSL iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxay warsaxaafadeedkaas kaga xaal warantay sooyaalkii siyaasadeed ee ay JSL soo martay tan iyo markii ay Xoriyadeedii ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26kii June 1960kii. Xiligaas oo 35 dawladood aqoonsadeen Somaliland.

Waxa kaloo warmurtiyeedku intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay iskeed ula mudowday Soomaaliya, hase ahaatee midowgaasi aanu ahayn marka la eego sharciga caalamiga ah mid la ansixiyay.

Sidoo kale Warmurtiyeedka Xukuumaddu wuxuu intaas ku ladhay in markii uu fashilmay midowgii lagu hungoobay ay Somaliland ka baxday Midowgii Soomaaliya, lana sameeyay Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay 18 kii May 1991kii.

Sidoo kale, waxa Jamhuuriyadda Somaliland waafaqsan tahay oo lagu dhisay xuduudihii gumaytuhu ka tagay ee dhaqan galka ka ah Afrika.

Geesta kale, Warsaxaafadeedku wuxuu ka warramay horumarka nabadgelyo, dib u dhiska dalka iyo doorashooyinka xorta ah ee ku dhisan hal qof iyo hal cod ee ay Somaliland qabsatay 32kii sannadood ee la soo dhaafay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this