Sign in to follow this  
Deeq A.

Daahir Geelle oo ka hadlay qaabka uu ku socdo dagaalka Al-Shabaab (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   
Daahir-Geelle.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay sida uu u arko dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo qaabka uu ku socdo.

Daahir Geelle oo wareysi siiyay VOA ayaa marka hore waxa uu bogaadiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mideysan yihiin dagaalka socda, taasi oo horseeday in kooxda laga xoreeyo deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado ka talinaysay Al-Shabaab.

“Habka dowladda ay ugu guuleysatay inay muujiso in dagaalkan kama dambeys ka yahay, sida bixitaanka madaxweynaha ee xagga uu tagay, saraakiisha sar-sare ee tegay. Dhacdooyinkaan muujinaya inay kama dambeys ka tahay wey isoo jiidaneysay,” ayuu yiri Siyaasiga Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal-yahaanada kooxda ay weli kusii nagaadan deegaanada la qabto qaarkood, taasi oo keenta in weeraro gaadmo ah ay ciidamada huwanta kusoo qaadan.

“Lama yaabin in gaadmo sameynayaan ama xataa marka la wareero ka baxaan iyaga oo khasaarahooda yar yihiin, kaliya waxaa la yaabanahay in markii meel looga duugo inay meelaha kale u suurta-galineyso inay ku dhuumaleystaan oo ceelasha hawl-bowlaha u ah ama waddooyinka muhiim u ah aysan ciidanka dagaan ka dhigeyn inay meesha ku jiraan wax aad iyo aad u adag.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaabahaas iyada oo aan waxba laga qaban ayaa dagaalka si u qabooba ciidankeena waxay isku badalayaan weerar-sugayaal. Waxaa rajeynayaa in khibrad laga korodhsado arrintaas.”

Daahir Geelle ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xilligaan furan tahay hal waddo oo ah in Al-Shabaab laga adkaado, aysan jirin waddo kale oo u furan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Nimankaan waa kuwo caalami ah oo meelo badan ku xidhan oo waayo aragnimo 40 sano ka badan u leh waxaan waaye, jidka waa jid dhiig leh oo dhib leh, oo aysan ka furneyn in la maro mooye inkale.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xoojiyay si mooralka ciidanka dagaalka ku jira loo ilaaliyo ay muhiim tahay “in sida ugu dhaqsaha badan lala xisaabtamo masuuliyiinta dayaca sameeya.”

“Haddii aan isla xisaabtan xoog leh dhicin, oo hubanti uga dhiga ciidanka in tii oo kale dhicin. Ciidanka haddii ay ogaadan halka uu qaladka ka yimid oo xogta lala wadaago oo ciqaabteeda ay timaado oo sida abaalmarinta geesinnimada u mudan tahay ayaa sidoo kale gaabinta, dayaca iyo khiyaamada u mudan yihiin ciqaabid.”

Hoos ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran;

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/09/01000000-0a00-0242-b303-08dbbd01485c_48k.mp3The post Daahir Geelle oo ka hadlay qaabka uu ku socdo dagaalka Al-Shabaab (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this