Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa been in Axmed Cali Haybe gurigiisa ciidan tageen iyo in la xidhayba!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaska Axmed Cali Haybe ayaa beenisay in ciidamada RRU-da ama kuwa Booliska ay xalay aqalkooda yimaadeen iyaga oo raadinaaya sayigeeda warkaasi oo si xun loo faafiyay.

Sidoo kale Ahmed Cali Haybe walaalkii ayaa xaqiijiyay in aanu jirin wararka sheegaaya in walaalkii ay gurigiisa ay ciidamo raadinayaa ay tageen sida uu u xaqiijiyay xubno ku dhow dhow qoyskooda.

Tan iyo intii uu dhacay heshiiskii lagu cafiyay jabhdii buurta Gacanlibaax waxa soo badanaaya dadka cadawga ku ah in ay Somaliland nabadi ka dhacdo, waxana ay baahinayaan warar aan xaqiiqbahayn.

Waxa sidoo kale hada loo xaqiijiyay shabakada qarannews in aanu xidhnayn Axmed Cali Haybe oo si xor ah uu u joogo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this