Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Koonfur Galbeed oo Soo Saaray War-murtiyeed Ka Dhan ah Madaxweyne Laftagreen

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha mucaaradka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shir xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Laftagareen ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo qeyb ka ah xubnaha mucaaradka ah.

Shirkan oo ka dhacay hoyga guddoomiyihii ee golaha shacabka Porofessor Maxamed Shiikh Cimaan Jawaari ayaa waxa uu daba socday shirkii dhowaan ku qabsoomay magaalada Nairobo, kaas oo laga soo saaray go’aanno culus oo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed iyo heshiisyadii hore loo gaaray.

Xubnaha ka qayb-galay shirka waxaa kamid ah, Shariif Xasan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Maxamed Mursal, xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Koonfur Gabeed Soomaaliya, kuwaas oo  qeyb ka ah xubnaha mucaaradka ah, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli lagu dalbaday qabsoomida doorashada.

War murtiyeed kasoo baxay shirka oo uu akhriyay mid kamid xubnaha mucaaradka ayaa waxaa lagu yiri “Kulankan waa kulan daba socda kulankii ka dhacay magaalada Nairobi waxaa isugu yimid odayaashii kusoo shiray dalka Kenya, xildhibaanada BFS iyo wasiirada DFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed”.

“Shirkan waxaa la’iskula soo qaaday taageerida la dagaallanka Khawaarijta oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha JFS waxaa kale oo shirka lagu soo qaaday in la taageero hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu diiday wax muddo korosi ah ha ahaato heer maamul goboleed ama heer federaalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale xubnaha mucaaradku dalbadeen in la dhaqan-geliyo heshiiska lagu gaaray Baydhaba, kaas oo u dhaxeeyay mucaaradka iu si ay doorasho uga dhacdo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn waxay dalbadeen in 5-ta bisha soo socota October la’isugu tego magaalada Baydhaba, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii, loona aado doorasho loo dhan yahay, waxaa haatan ka taagan is mari waa siyaasadeed oo u dhexeeyay Laftagareen iyo mucaaradka maamulkaasi, waxaana usii dheer dagaalka Al-Shabaab.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this