Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaasida Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb iyo Halganka Ciribtirka Al-shabab!

Recommended Posts

Deeq A.   

Shanta August, 2023, garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa safdheer galay dadweyne wata boorar ay ku xardhantahay dalxoreeye, ma ahan askari ama taliyaha ciidan qof lagu suntay astaan dalxureeye/xoreeye ee waa madaxweyanaha dal ay halakeysay colaad iyo argagixiso muddo nus qarni ah, waa oday madaxu cadaaday, oo raja ka qaba in uu mar arko Soomaaliya oo ka xor ah koox aan ogoleyn sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Qoraxda ayaa aroortii 50’aad ugu soo baxday madaxweynaha Soomaaliya magaalo ka fog caasimadda dalka wax kabadan 500 KM, ujeedadu ma ahan dalxiis ama nasasho sida ay sameeyay madaxda dalalka nabada ah, ee waa jiheynta dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab oo dagaal qaraar uu dhexmarayo ciidanka dowladda.

Soomaaliya 63 sano kadib xoriyadeeda, In ay hesho nabad iyo xasilloni waarta, lana jaanqaado dalalka dhigeeda ah, dadkeeduna ay helaan nolol fiican iyo horumar, waxaa hor istaagay kooxo argigixisa ah oo sumado badan. In ka badan 20 sano ayey umadda Soomaaliyeed hayeen cunaha, isbaarana u dhigteen rajo kasta oo ifaysay iyaga oo isticmaalay tabo dabargoyn ah.  Muddada intaa la eg waxaa ay kusoo badbaaday kooxdani sababo la xiriira yaraanta ama in la waayaba hoggaamiye ku dhiirada dagaal ka dhan ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dib loo doortay May 2022-dii la yimid go’aan cusub oo ah in Soomaaliya aanay wada joogi karin “Dowlad iyo Dowlad diid” isla markaana aaney jirin meel dhexe oo la istaago, waxaa uuna ladagaalanka Al-Shabaab ka dhigtay hortabinta kowaad ee maamulkiisa, taasi oo sanad gudahiisa horseeday in Al-shabaab laga xoreeyay 98% dhammaan degmooyinka iyo deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle.

(1). Qiimeynta Istaraatiijiyadda Amni: Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu ciribtirayo Al-Shabaabwaa mid la socday halkudhiggiisa “Soomaali Heshii ah”. Si nabad loo helana waxaa waajib noqotay in la baahiyo xukunka dowladda, deeegaanada kooxda Al-shabab ay maamushana laga saaro si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo adeeg dowladeed.

Si Madaxweyne Xasan u rumeeyo balantiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uusan u noqon hoggaamiye inta afka ka dhaho “Waan la dagaalayaa Khawaarijta” hadana xafiiskiisa dib ugu laabto, waxa uu August 5, 2023 saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb, oo ah halka laga hago dagaalka Al-shabaab looga xoreynayo Galmudug, iyo Hirshabeelle.

Istaraatiijiyadda amni ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo ah mid ballaaran oo leh dhaqaalle, fikir, iyo cududba. Si ay u guulaysatana, waxaa marka koowaad la xoojiyay amniga caasimada dalka ee Muqdisho iyada oo loo xilsaaray sugida amnigeeda ciidan heegan ah oo ah booliis sida milatariga u tababaran.

(2)Banaadir: Istaraatiijiyadda amni ee la qaatay waa mid ballaaran, xilli lagu jiro baacsiga Al-Shabaab ee gobollada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaa barbar socda in gacan bir ah lagu qabtay amniga caasimadda Muqdisho, lagana taqalusay Shabaab iyo cayaal weero.

Dadka deggan caasimadda Muqdisho ayaa dhowr bil kahor ku dhibqabay amni darro kasoo wajahaysay kooxaha argigixisada ee Al-Shabaab iyo Ciyaar weerrada, balse taasi hadda waxaa ay noqotay taariikh laga sheekaysto. Haddaba waa kuma ciidamada suurageliyay amnigaasi?

Amniga caasimadda Muqdisho waxaa gacanta ku hayay tan iyo April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “Gungaar” oo ah nooca La police militaire.  Ciidamadan tiro ahaan waa 3,000, waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa.

Ciidamadaan booliiska ah ee sida milatariga u tababaran, waxaa ay shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad. Tallaabadan waxa ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhigtay mid ammaan ah, waxaa meesha ka baxay qaraxyadii argigixisada iyo dilalkii qorsheysnaa, iyada oo ay noqotay meel lagu dhiiran karo maalgeshi gudaha ah iyo mid dibadda ah.

Kadib bilaabashadii gulufka colaadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, muddo kooban ayaa lagu xoreeyay degmooyin iyo deegaanno ay argigixisadu ukummo dhigteen 15-kii sano ee lasoo dhaafay. Riyo ma aha in la xoreeyay Aadan Yabaal, Ruunirgood, Cali Gaduud, Guulane, Alkowsar, Nuur Duugle iyo deegaanno kale oo Shabeellada dhexe ah, lagana hirgeliyay adeegyada dowladnimmo ay Khawaarijtu xarimeen muddo dheer.

Hiiraan keliya ma aha in la xoreeyay deegaanno ay ka mid yihiin; Beergadiid, Bacda, Teedaan, Coomaad ee waxaa la isku furay jidadka u dhexeeya Baladweyne (Hiiraan) ilaa Balcad (Shabeellada dhexe), waxaana socda mashaariic horumarineed.

Waxaa kale oo dowladdu xoreysay  Mudug Xarardheere, Bacaadwyne, Camaara iyo deegaanno kale, halka Galgaduud laga xoreeyay magaalooyinka badan oo ay ka midyihiin Qaayib, Xilabi, Dhuumoodle,  Ceel-lahelay, Labadunle, iyo kuwa kale . Bulshooyinkii ayaa dib ugu laabanaya, waxaa laga hirgeliyay adeegyada dowladnimada.

Maanta waxaa lagu jiraa qeybihii ugu dambeeyay ee wejiga kowaad ee lagu baacsanayo Khawaarijta, si taasi ay u hirgashana waxaa muuqda abaabul dhinac walbo ah.

Isataraatiijiyadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee ladagaalanka Al-Shabaab oo ah in dadka laga horkeeno kooxaha Khawaarijta, waxaa miisaan u yeelay in furimaha dagaalka ku suganyihiin, oo dhiirigelin ujooga Wasiirro ka tirsan xukuumadda Dan Qaran.

Dhammaan Guulaha laga gaarayo dagaalka waxaa saldhig u ah isku duubnida dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo shacabka labada dowlad goboleed kuwaas oo naf iyo maalba u huray sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryada gumeysiga Al-Shabaab.

Waxaa xusid in iskaashiga dhexmaray dowladda federaalka ah iyo dadweynaha ku nool Galmudug iyo Hiiraan ay xoojisay istaraatiijiyadda amniga ee madaxweynaha. Kalsoonida labada dhinac waxaa ay keentay in bulshada ay dhan walba iskood is abaabulaan.

Saldhigasha madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa ah laba kaclayn lagu sameynayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Horay madaxweynaha ayaa u sameeyay abaabulka kacdoon dadweyne oo ka dhan ah Al-shabaab, abaabulka iyo isku dubaridka dagaalka uu hoggaaminayo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa keentay in ay dhiiradaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayna kaalin muuqda ka qaataan dagaal, waxaa meesha ka baxay  cabsidii ay kala qabeen bulshada iyo ciidanka, waxaa abuurmay xaalad ay bulshadu ku garab istaagto ciidanka ayna ku dhiiradaan la dagaalanka Al-shabaab si muuqata.

(3)Iskaashiga Amni ee Xoogga Dalka iyo Dadka Deegaanka: Kahor inta aaney is abaabulin dadka deggan Galmudug iyo Hirshabelle, Al-Shabaab waxaa ay heysteen 75% deegaannadaasi, iyaga oo go’doomiyay magaalooyinka waaweyn, hakiyay isu socodka, cunaqabateeyay shacabka, isla maarka qaadi jiray lacag baad ah, balse howlagal ka dhashay midnimo iyo isku duubnimada bulshada oo garab ka helay ciidamada xoogga dalka,  maanta Al-Shabaabwaxaa ay kusoo hareen deegaanno fogfog oo howd ah kuwaas oo iminka uu ka socdo baacsi haraadigooda.

(4)Kaalinta Odeyaasha Dhaqanka: Halganka ka dhanka ah Al-Shabaabee ka socda Galmudug iyo Hirshabelle waxaa geedfadhi u ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Keliya hormuud kama ahayn abaabulka iyo kicinta bulshada iyo dhisidda kalsoonida ciidanka difaaca shacabka ee waxaa ay qaarkood ku shahiideen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaabsida; Nabaddoon Cilmi Hagar,  Hibaad Cali Dasar, halka dagaalamayaasha Saleebaan ee ka bilaabay dagaalka Baxdo uu geed fadhi u yahay suldaanka reerka Suldaan Mowlid Sheikh Jaamac, iyo qaar kale.

(5)Kaalinta Dhalinyarada: Dhalinyarada labada dowlad goboleed ee Galmudug iyo Hirshabelle ee Macawislayda ah,  waxaa ay horkaceen gulufka ka dhanka ah Khawaarijta, iyaga oo si iskood ah isku abaabulay, qoryaha u qaatay, dagaalna la galay argigixisada Shabaab, taasi oo keentay in markii dambe ay garab ka heelaan ciidamada qalabka sida, laguna guulaysto in deegaanno boqolaal ah laga xoreeyo Khawaarijta.

(6)Miraha Dagaalka iyo Natiijada:  Dowlad Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda Dan Qaran ee Ra’isul Wasaare Xamsa Barre waxaa ay dagaalka ku barbar wadeen dadaallo Xasillin iyo dhab u heshiisiin bulsho oo laga hirgeliyay labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle, iyada oo goobaha la xoreeyay laga fuliyay in ka badan 150 mashruuc, taasi waxaa ay keentay kalsooni dhexmarta bulshada deegaanka iyo dowladooda oo muddo dheer ay tashwiish ka dhex wadeen Khawaarijta.

Istaraatiijiyadda madaxweyne Xasan Sheekh ee uu u qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab keliya ma ahayn midda amniga ee guulaysatay, ee cunaqabatayn dhaqaale iyo la dagaalka fikirkooda guracan waa ahdaaf kale oo la xaqiijiyay, kuwaas oo si faahfaahsan aan u soo qaadan doonno.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this