Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciimada oo Xukun Ku Ridday Xubno Lagu Eedeeyay La Shaqeynta Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Saddax xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo dhowaan soo gaclay gacanta laamaha amniga.

Xubnahan ka trisan khawaarijta ayaa xeer ilaalinta maxakamddu ku soo edeeysay in ay la shaqeynayeen Al-shabaab oo ay caawiyeen  waxana lagu kala xukumay sidaan:-

1: Cawil Aadan Jamaac waxa ay Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah.

2: Xaawo Cismaan Cabdi waxaa lagu xukumay iyana 8-sano oo xabsi ciidan ah

3: Xasan Cali Xasan waxa ay maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo IL ku heynta Booliiska ah.

4: Maxamuud Cabdi Xuseen,waxa ay Maxkamadda cadeeysay in uusan lahayn wax dambi ah waxa ayna u soo celisay xoriyadiisa,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad ciidanka Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this