Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaal u dhaxeeya ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaadiid-dagaal.jpg?fit=720%2C480&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudu ayaa sheegaya in degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga degaanka Caad ee gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubeysan ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob halkaasi ku taalla oo dagaal-yahaano Shabaab ah isku aruursanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu hadda si gaar ah uga socdo dhulka howdka ah ee deegaankaasi. Dowladda oo ka hadashay dagaalkan ayaa durba guul ka sheegatay.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa warbaahinta wuxuu u sheegay in kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan dagaalkan.

Ciidamada dowladda ayaa howl-gallo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka wadeen gobolka Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo Shabaab ah iyo horjoogayaashooda, sida ay sheegtay dowladda.

Howl-galladaas oo qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka ayaa waxaa Al-Shabaab-ka la laayey lagu beegsaday xarumo ay ku lahaayeen dhulka howdka ah, waxaana kooxda howl-galkaas ka soo gaaray khasaare xoog leh.

Sida ay sheegtay dowladdu howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku lahaayeen hoobaha ay iska soo abaabulayeen, waxaana xubnaha la dilay ka mid ah saraakiil sare oo Shabaab ah, inkastoo aan weli la ogaan magacyadooda.

Kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah.

Balse maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaalyahano aad u badan.

The post Xogta dagaal u dhaxeeya ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this