Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira inuu isbeddalay mowqifkii DF ee muddo kororsigii Lafta-gareen?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Laftagareen-Aadan-Madoobe.jpg?fit=

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka la xiriira doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa isa-soo taraya, ayada oo horraanta bisha November uu ku eegyahay waqtigii heshiiskii la siiyay inuu Lafta-gareen kusii joogo xafiiska.

Mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan isugu tegay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay inay magaalada Baydhabo col iyo nabad mid uun ku tagaan oo kadibna la bilaabo dhaqangelinta heshiis siyaasadeedkii Koonfur Galbeed, kaasi oo qodob kamid ah uu tilmaamayay in doorashada maamulka la bilaabo horraanta bisha November 2023.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu dhawaan sheegay in haddii uu Lafta-gareen diido inay si nabad ah ku tegaan Baydhabo oo la tartamo in iyaga oo hubeysan ay mari doonaan jidka u dhaxeeya Baydhabo iyo Muqdisho, oo ay sidaas ku tegi doonaan magaalada Baydhabo.

Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dareen gaar ah siiyeen abaabulka mucaaradka Koonfur Galbeed, iyada oo la xasuusto in Baydhabo uu dagaal ka dhacay markii uu dhamaaday muddo xileedkii Lafta-gareen, kadibna lagu qasbanaaday in heshiis lagu aadayo doorasho la dhex dhigo labada dhinac.

Sida laga soo xiganayo illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa dhawaan soo fara-geliyay xiisadda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, waxayna la hadleen guddoomiyaha golaha shacabka oo isagu hormuud ka ahaa heshiis siyaasadeedkii Koonfur Galbeed.

Waxay kala hadleen in aan la aqbali karin in dhiig labaad uu ku daato magaalada Baydhabo ayna muhiim tahay in wixii lagu heshiiyay la fuliyo, ayada oo la xasuusto in heshiiskii Baydhabo ay kaalmo maaliyadeed ku bixisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaga waxaa waayahan lagu xaglinaya dhanka Lafta-gareen, taas oo keentay in mucaaradka ay waqti badan iska gelin dhankiisa.

Dhuusamareeb, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay inay wada-hadallo gaar ah ka yeesheen xaaladaha Koonfur Galbeed, doodda Mucaaradka iyo waxa dhici kara haddaan deg deg looga howl-gelin arrimahan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu qabo in aanay sax aheyn in laga baxo heshiiskii Baydhabo, islamarkaana uu guddoomiyaha usoo jeediyay in laga howl-gallo raadinta dhabo aan gacan ka hadal aheyn oo reer Koonfur Galbeed doorasho ku aadi karaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa in dhamaadka bishaan ama horraanta bisha soo aadan uu tego magaalada Baydhabo. Iyada oo dadka daneeya arrimaha Koonfur Galbeed ay sheegayaan in xaalka u muuqdo in doorasho la aadi doono.

Haddii ay sidaas u dhacdo oo Koonfur Galbeed doorasho la galiyo waxaa su’aal gali doona heshiiskii 27-kii May ee dowladda dhexe iyo madaxda maamullada, wallow Koonfur Galbeed ay marwalba leedahay sumad gaar ah, maadaama uu jiro heshiis siyaasadeed ay gaareen dhinacyada maamulka, ayna saxiixiisa goobjoog ka ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe, kaas oo tilmaamaya in bisha November ee sanadkaan ay reer Koonfur Galbeed doorasho aadan.

The post Maxaa ka jira inuu isbeddalay mowqifkii DF ee muddo kororsigii Lafta-gareen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this