Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo shaaciyay sababta Al-Shabaab ay qaraxyada ugu beegsato Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-1.jpeg?fit=2048%2C1480&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa shaaca ka qaaday sababta Al-Shabaab ay marwalba qaraxyada ugu beegsato magaaladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha oo qaraxaas ku tilmaamay mid fuleynimo ah ayaa ugu horreyntii wuxuu ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxaas, halka kuwa dhaawaca ah uu Alle uga baryay bogsiino.

“Markii looga adkaaday (kooxda Al-Shabaab) furimaha hore ee dagaalka ayaa waxay qarax ku baabi’iineysa dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ay marwalba kooxda ugu beegsato qaraxyada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar-goynta argagixisada.

“Sababta ay u bartilmaameedsanayaan kooxda Khawaariijta magaalada Beledweyne waxay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar gooynta Khawaarijta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayna kooxda haatan dalka kaga harsan tahay meelo kooban, islamarkaana gulufka socda ay guul ka gaari doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa billowday wejigii koowaad ee duullaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Agoosto ee sannadkii hore. Wejiga labaad ayaa lagu dhawaaqay bishii hore, iyada oo ciidamada milateriga ay gacan ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil kahor hadal ka jeediyey magaalada Dhuusomareeb ayaa qabsaday inuu shan bilood kaga adkaan doono Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan in hadda ay hartay afar bilood.

The post Xamza oo shaaciyay sababta Al-Shabaab ay qaraxyada ugu beegsato Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this