Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo booqday qoyskii Mujaahid Axmed Fiiqine, shaaciyeyna tuhun culus

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4440.jpeg?fit=2048%2C1386&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa toos u tagey gurigii uu ka baxay Axmed Fiiqane Sheekh Maxamuud oo dhawaan isku dhigay qarax lagu dili rabay Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.

Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Maxaxweyne Qoor Qoor ayaa reerka uu ka dhashay Axmed Fiiqane ka balan qaaday in maamulka Galmudug uu ka faala qaadi doono noloshooda, taas oo sii jiri doonta xitaa hadii uu dhinto ama ka tago xukunka.

Madaxweynaha ayaa reerka badan qaaday inay u soo aari doonaan wiilkooda, maadaama sida uu sheegay dadka reer Galmudug aan lagu aqoon oohin oo ay yihiin dad aarsada.

“Dadkeena looma ooyee waa loo aaraa, waana ka soo aareynaa Khawaarijta, Hooyo, Aabe iyo dhamaan ehelka Fiiqane waan amaaneynaa, waa dad gob ah, waxaana idiin sheegayaa walaalayaal Khawaarijtu waa gabagabo,” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor oo ka sheekeeyey go’aankii uu qaatay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar oo la shahiiday ayaa soo muujiyey inuu jiro tuhun ah in rag isaga u dhawaa ay wax kasoo abaabuleen kiiskaan lagu dili rabay.

“Waxyaabo oo gudaha ku jira waa baareynaa waana cadaaneysaa mar dhow insha allaah, kama hari doono Khawaarijta iyo cawaankeeda waan tirtireynaa insha allaah,” ayuu yiri Qoor Qoor oo wajigiisa ay caro badan ka muuqatay.

IMG_4443.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4442.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4438.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4439.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4437.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4440.jpeg?resize=696%2C471&ssl=1

 

The post Sawirro: Qoor Qoor oo booqday qoyskii Mujaahid Axmed Fiiqine, shaaciyeyna tuhun culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this