Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah kala hadlay wasiirka difaaca Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4444.jpeg?fit=1176%2C675&ssl=1

Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta halkaas kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wasiirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda  taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dhankiisa wasiir Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka argagixisada ee ka socda dalka.

Sidoo kale Wasiirka Gaashanadhigga Mareykanka ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan wadanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa wasiirka la wadaagay in argagixisada ay deegaano kooban kaga sugan yihiin dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolkaan Geeska Afrika oo dhan iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah lagu soo afjaro.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar aan wax faahfaahin ah laga bixin maalin ka hor uga baxay Dhuusamareeb, wuxuuna toos u aaday dalka Jabuuti, kadib muddo 50 cisho ah oo Dhuusamareeb uu u joogay hoggaaminta dagaalka wadanka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

IMG_4445.jpeg?resize=696%2C467&ssl=1 IMG_4444.jpeg?resize=696%2C399&ssl=1

The post Maxaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah kala hadlay wasiirka difaaca Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this