Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Puntland oo xukuno kala duwan ku riday rag loo haysto falal argagixiso

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230924_182406469.jpg?resize=694

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo ayaa maanta xukuntay saddex nin oo ku eedaysan falal argagixiso.

Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay gal-dacwadeedka xeer ilaalintu ku oogtay saddexda eedaysan iyo difaaca qareenkooda waxay go’aamisay:

Ismaaciil Daa’uud Jiirow (Xarfaaney) oo 33 sano jir ah laguna helay in uu ka tirsan yahay maleeshiyaadka argagixisada ah ee AS ayaa maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah.

Maxamed Deeq Salaad Cabdi Ibraahim oo da’diisu tahay 23 jir islamarkaana loo haysto in uu ka tirsan yahay argagixisada AS ayay sidoo kale maxkamaddu ku ridday 20 sano oo xabsi ah.

Cabdulqaadir Abukar Shiikh Maxamed oo da’diisu tahay 29 jir laguna helay in uu bumbo ku tuuray saldhig boolis balse aan qiran in uu ka tirsan yahay AS ayay isna maxkamaddu ku xukuntay 15 oo xabsi ah.

Saddexda xukmane ayaa la siiyay mudda dhan 30 cisho oo ay ku qaadan karaan rafcaan haddii aysan ku qancin xukunada lagu riday sida ay sheegtay maxkamadda.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Puntland oo xukuno kala duwan ku riday rag loo haysto falal argagixiso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this