Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Jabuuti kula kulmaya Madaxweyne Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti, waxana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiir kiisa Difaaca Xasan Cumar Maxamed (Burhaan).

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda Jabuuti uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka adag ee difaac ee labada wadan u dhaxeeya iyo hawgallada milatari ee ka socda gobolka.

Austin waxa kale oo uu sheegay in inta uu joogo Jabuuti uu booqan doono askarta Maraykanka ee joogta saldhiga Lemonnier.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin waxa kale oo tagi doonaa wadamada Kenya iyo Angola isagoo madaxda wadamadaas kala hadli doonaa amniga qaaradda Afrika iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this