Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda shaqaalaha oo joojisay lacag guddoomiyaha gobolka Togdheer amray in laga jaro shaqaalaha dawladda si loogu taakuleeyo Ciidamada Millateriga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ayaa maanta oo bishu tahay 24/09/2023 warqad uu ku joojinaayo lacagta laga jaraayo musharkooda shaqaalaha gobolka Togdheer waxa uu u qorey badhasaabka gobolka Togdheer, isaga oo ogeysiin siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha Baanka dhexe iyo cidda kale ee ay khuseyso.

Waxa uu Guddoomiyahu Sida ay dhigayaan xeerarka iyo sharciga shaqaalaha dawladdu isaga oo cuskanaaya uu sheegay in lacag kasta oo laga jaraayo shaqaalaha dawladda ay go’aamiyaan xeerarka iyo sharciga lagu dhaqaa. Sidaa darteed warqadda uu qorey Badhasaabka gobolka Togdheer ee lagu amraayo Baanka dhexe laantiisa gobolka Togdheer waa la hakiyey.

Waxa lacag laga jari karaa shaqaalaha marka ay ogolaadaaan ama cidda awoodda u lihi ay amarkaasi fuliso. Hay’adda shaqaaluhu waxa ay garab taagan tahay ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wax kasta oo lagu taageeraayo, hasayeeshee waa in talaabooyinka la qaadayaa ay ku dhisnaadaan talo-guud oo laysla ogol yahay dhinac kasta.

Agaasimaha Xafiiska Saxaafadda iyo Xidhiidhka dadweynaha

Maxamuud Cawaale

Allah Mahad Leh

 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc #Togdheer #Burao #Berbera

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this