Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Ceel Afweyn oo maanta Degan dagaalkii Shalay kadib

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda Ceel Afweyn oo maanta Degan dagaalkii Shalay kadib
IMG-20230924-WA0004.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Xaaladda degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa degan maanta, kadib markii shalay dagaal ka dhacay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo Milateriya gaysay degmada Ceel Afweyn si ay usugaan abniga magaalada.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamada ku amartay inay qabtaan Qofkii shacab ah ee hubaysan.

Xaalada magaalada Ceel Afweyn ayaan daganayn kadib markii shaqaaqo dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega.

Inta badan aano qabiil ayaa sabab u ah dagaalkan soo noqnoqday ee ilaa hadda aan xal rasmiya loo helin iyo fulintii xukuumadda oo meesha ka maqan..

Ergooyin kala duwan ayaa ku maqan magaalada Ceel Afweyn, si ay xasilinta nabadeed èe labada beelood qayb uga noqday, balse ilaa hadda wax ka hirgelay jiro.

Magaalada inta badan xaalada colaadeed ee ka jirta ayaa looga qaxay, sawirada laga soo qaadanayaana waxa ay muujinayaan inta ay le’eg tahay xaalada colaadeed ee ka jirta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this