Sign in to follow this  
Deeq A.

Jid Beeralayda U Sahlaaya Suuq Geyntooda Oo Laga Dhagax Dhigay Boorame

Recommended Posts

Deeq A.   

Jid Beeralayda u Sahlaya Suuq Geyntooda oo Laga Dhagax Dhigay Boorame
IMG-20230924-WA0012.jpg

Boorame(Qaran news)- Wasiirka waasaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo masuuliyiin ka socota Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa dhagax dhigay maanta Waddo isku xidhaysa Boorama iyo Xeego.

Wadaddan oo qayb ka ahayd mashruuca dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha oo Wasaaradda Horumatinta Beeraha Somaliland ka fulinayso deegaano ka mid ah Gobolka Awdal.

Wadaddan ayaa beeralayda deegaanka xeego u sahli doonta in ay wax soosaarka beerahooda si fudud ugu iib-geeyaan suuqyada Somaliland, maaddaama oo markii hore beeralayda deegaanku dhib wayn ku qabeeen.

Dhismaha jidkan, ayaa waxaa uu ka mid yahay siyaasadda qaran ee ku aadan kobcinta iyo dhiirigalinta beeralayd dalka.

Waxa xusid mudan, In Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Beeruhu ay qayb ka yihiin Madaxda Hay’adda ADO oo mashruucan fulinaysa.
.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this