Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Kalfadhiga 78-aad Ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isaga oo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-shabaab  oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay suganaayeen, isaga oo  ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.

Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka, kadib marka ay baxaan ciimada midowga Africa.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, kaas oo wax ka bedela sida dunidu ay hadda u macaamisho oo gaarka ugu xiran yahay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this