Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Looga Hadlay Dardargelinta Howlgallada iyo Amniga oo Ka Dhacay Magaalada Dhuusaareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir gudomiyay kulan  lagu dardargalinaya Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka  sugan qaybo ka mid ah Galmudug, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli howlgallo baaxad leh ay ka socdaan deegaannada maamulkaas ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Amniga dowlad goboleedka Galmudug ,Saraakisha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo dhaweyay hormarada baxaada leh ee Ciidamada  Xoogga dalka ,Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen  dagaalada  ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay waxana u faray Ciidamada in ay sii laba jibaaran howlgallada, isaga oo  ugu Danbeyn Shirka  lagu kala qaatay awaamiir hor leh oo sare logu qaadaayo Amniga deegaannada maamulka Galmudug.FB_IMG_1695534258052-300x225.jpg

FB_IMG_1695534272607-300x225.jpgFB_IMG_1695534275977-300x225.jpgFB_IMG_1695534265265-300x225.jpgGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this