Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Dhaca Hiiraan Galmudug Maxaa Ka Socda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa wali ka socda howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, xilli ciidanka dowladda oo taageero ka helaya ay la wareegeen deegaanno Hirshabeelle ah, kuwaas oo dhaca Galbeedka magaalada Baladweyne oo ay hore ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Somaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay in ay gudaha u galaan deegaanada Ceelkabar iyo Jaburow, ka hor inta aysan dhowr jiho aysan ka weerarin deegaanka Luuqa-Jeelow ee gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaan qeyb ka ah ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad ee ku sugan halkaasi.

Deegaanka Luuq Jeeloow ayaa ahmiyad gaar ah u leh kooxda maadaama uu yahay mid kamid ah saldhigyada ugu weyn oo ay ku leeyihiin galbeedka gobolka, Howlgalkan waxaa horkacayay abaan duulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka, mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay goobahaasi.

Sidoo kale dhinaca Galmudug howlgal dhanka cirka oo laga fuliyey degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud ayaa lala eegtay guri la sheegay in ay ku shirsanaayeen hoggamaiyeyaal ka tirsan kooxda, sida laga soo xitay Gaashaanle Sare Ismaaciil Cabdi Maalik oo ah hoggaamiyaha guutada 26-aad ee CXD.

Dhinaca kale Gobolka Mudug ciidanka dowladda, daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa dhaqdhaqqyo ciidanka kawada deegaanno hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaa sidoo kale jira in duqeymo iyo dagaallo xooggan ay ka socdaan deegaanka Shabeellow oo dhinacyadu isku hayaan.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka dhaqdhaqaaq kale duwan ay ka wadaan gudaha magaalada Maxaas, kaas oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanno hor leh, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud ee ka maqan gacanta dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qorsheynaya in ay dib ugu laabtaan deegaanno dhowaan ay isaga soo baxeen ciidanka, kadib markii ay soo dhameysteen farax uu siiyey madaxweyne Xasan, markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday deegaanka Cowsweyne ee bariga gobplka Galgaduud ee Galmudug.

Howlgallo xooggan iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanno hoos taga Galcad iyo Ceeldheer, waxaana ciidankii ugu badnaa lagu uruuriyay deegaanno hoostaga Ruunnirgood, kuwaas oo isugu jiro deegaanka iyo sidoo xoogga dalka, waxaana ku sugan mas’uul kale duwan oo heer dowlo ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this