Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Shir looga soo horjeedo Laftagareen oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Koon.jpg?fit=1280%2C852&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shir xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Laftagareen ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhacay hoyga Jawaari ayaa waxa uu daba socday shirkii dhowaan ka qabsoomay magaalada Nairobo, kaas oo laga soo saaray go’aanno culus.

Xubnaha ka qayb-galay shirka waxaa kamid ah, Shariif Xasan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Maxamed Mursal, xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Koonfur Gabeed Soomaaliya.

War murtiyeed kasoo baxay shirka oo uu akhriyay mid kamid xubnaha mucaaradka ayaa waxaa lagu yiri  “Kulankan waa kulan daba socda kulankii ka dhacay magaalada Nairobi waxaa isugu yimid odayaashii kusoo shiray dalka Kenya, xildhibaanada BFS iyo wasiirada DFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed”.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dagaalka Al-Shabaab iyo diidmada xubnaha mucaaradka ee ku aadan muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen.

“Shirkan waxaa la’iskula soo qaaday taageerida la dagaallanka Khawaarijta oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha JFS waxaa kale oo shirka lagu soo qaaday in la taageero hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu diiday wax muddo korosi ah ha ahaato heer maamul goboleed ama heer federaalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale xubnaha mucaaradku dalbadeen in la dhaqan-geliyo heshiiska lagu gaaray Baydhaba, si ay doorasho uga dhacdo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn waxay dalbadeen in 5-ta bisha soo socota October la’isugu tego magaalada Baydhaba, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii, loona aado doorasho loo dhan yahay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan is mari waa siyaasadeed oo u dhexeeyay Laftagareen iyo mucaaradka maamulkaasi, waxaana usii dheer dagaalka Al-Shabaab.

The post Daawo: Shir looga soo horjeedo Laftagareen oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this