Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaawacyadii halista ahaa ee qaraxii Beledweyne oo loo qaaday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695536543755.jpg?resize=720%2C54

Sagaal qof oo kamid ah dadka ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Sagaalka qof ee la geeyay Muqdisho ayaa waxa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah looga qaaday magaalada Beledweyne xalay.

Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen inay jiraan dad nolol iyo geeri midna aan lagu hayn, oo dad markii ugu war dambeysay joogay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka, waxana ku dhawaa xarumo ganacsi iyo guryo la dagan yahay.

PUNTLAND POST

The post Dhaawacyadii halista ahaa ee qaraxii Beledweyne oo loo qaaday Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this