Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay sababta uu u geeriyooday sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230924_085102688.jpg?resize=680

Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay shaacisay in sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa argagixisada Daacish uu gaajo iyo harraad ugu geeriyooday dhulka miyiga ah.

Waaxda denbi-baadista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa xaqiijisay geerida Maxamed Saalim Maxamed oo ka tirsanaa Daacish islamarkaana ka soo jeeda dalka Yemen.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Maxamed Saalim uu gaajo iyo harraad ugu geeriyooday nawaaxiga degmada Dhudhub ee gobolka Karkaar xilli uu ka yimid Daacish uuna la socday nin kale oo Soomaali ah.

“Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga Puntland ay baadi-goobayaan nin Soomaali ah oo socdaalka ku weheliyay ajnabiga geeriyooday ee Maxamed Saalim.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay sababta uu u geeriyooday sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this