Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobka deyrta oo ka curtay dhulka SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230924_105223934.jpg?resize=720

Roobabka deyrta ayaa xalay ka curtay degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka maamul goboleedka SSC-Khaatumo.

Roobabka ayaa sida wararku sheegayaan ka da’ay degaanno kamid ah Sool iyo Cayn, oo ay ku jiraan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Laascaanood iyo inta badan nugaasha ku xeeran uu ka da’ay roobku, gaar ahaanna dhulkii laga kiciyay ciidamada Somaliland.

Dhanka hawdkana, degmada Buuhoodle iyo degaannada hoos yimaada ayaa lagu soo warramaya in xalay roobab mahiigaan ah ka da’een.

Curashada roobabka deyrta ayaa imaanaya, iyadoo dadka reer SSC ay ku jireen xilli jilaal jimcoon ah, oo ay weli xooluhu sii daaqayaan cawskii uu reebay gu’ga.

PUNTLAND POST

The post Roobka deyrta oo ka curtay dhulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this