Deeq A. Posted September 24, 2023 Shir Laga Yeeshay Badqabka Suuqa Gobanimo Hargeysa(Qaran news)-Kulan lagaga wada hadlayay Badbaadada Suuqa Gobanimo oo ay ka soo qayb galeen Guddida Bacadlaha Gobanimo, Dawladda Hoose Hargeysa iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ka Qabsoomay xafiiska Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL ee magaalada Hargeysa. Ugu horayn Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa ka hadlay Ujeedada Shirkan waxaanuu sheegay in ciidamada Dabdemisku Qiimeyn ku sameeyeen suuqaasi, kaasi oo haba yaraatee lahayn waddooyin gaadiidka Dabdemisku ka soo geli karaan Suuqaas, sidoo kale markastaba Gaadiidku Baarkin ka dhigtaan Suuqa hortiisa. Dhanka kale ayaa Taliyuhu wuxuu xusay in markastaba la sameeyo ka hortag inta aanay dhicin masiibadu. Dhankiisa xogahaya dawlada hoose Hargeysa Siciid Nuur Jaamac oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa sheegay ahmiyada suuqa gobanimo u leeyahay caasimada Hargeysa, waxaanuu sheegay in si wada jira wax looga qabto si loo helo dariiqyo furan oo gaadiidka dabdemisku soo mari karo. Dhankooda guddida bacadlaha oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in bannaynta suuqa gobanimo ay marwalba dan ugu jirto dadka ku ganacsada suuqaas, waxaanay sheegay in tallaabo kasta oo suuqaas lagu badbaadinayo laguna bannaynayo ay iyagu diyaar u yihiin. Gebagabadii waxaa halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha ee dhinaca amniga Maxamed Xuseen Cabdilaahi waxaanuu ku dheeraaday ahmiyada bannaynta iyo badbaadinta suuqani ay muhiim u tahay wasaarada iyo guud ahaan qaranka, iyadoo laga warqabo dababii waaweynaa ee qabsaday suuqyada Waaheen iyo Wajaale iyo suuqyo kaleba. Dhanka Ciidanka Dabdemiska waxaa iyaguna ku wehelinayay Taliyaha Xoghayaha guud ee ciidanka Dabdemiska Ibraahim Suldaan Xasan, Hogaanka Maaliyada Amran Axmed Baashe,Hogaanka Hawlgelinta Cabdifataax Maxamed Xaashi,Hogaanka Hawlaha Cabdicasiis Axmed Cilmi iyo Hogaanka Tababarka Kheyre Goox. Hadaba ugu dambayn waxaa shirkaas ka soo baxay qodobadan: 1. In suuqa gobanimo la furo dhamaan waddooyinka gala si gaadiidku dabdemisku u soo mari karaan. 2. In dadka suuqaas ku ganacsadaa ay helaan tababarka aasaasiga ah ee dabdemiska. 3. In meherad kasta la dhigo haamaha dabdemiska si dabku intuu yaryahay lagu sii damin karo. 4. In xoojiyo nidaamka gaadhka iyo amaanka suuqa. 5. In wax laga qabto xadhkaha korontada ee sida habqanka ugu dul daadsan suuqa gobanimo. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites