Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo Daawade ka Noqotay Sicir Barar Taabtay Nolosha Danyarta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo Daawade ka Noqotay Sicir Barar Taabtay Nolosha Danyarta Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Muddooyinkii u dambeeyay waxa suuqyada Magaalooyinka laga dareemayaa sicir barar weyn oo saameeyay qiimaha badeecaha daruuriga ah iyo shiidaalka.

Waxa kordhay qiimaha raashinka sida bariiska, sonkorta,daqiiqda iyo salliida cuntada, mana jirto wax Xukuumadda Somaliland ay ku macnaysay culayskaas dhaqaale ee saameynta taban ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee markii horeba la daalaa-dhacayay shaqo la’aanta iyo dhaqaale darrada ka jirtay dalka.

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaminayo Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqata in aanay ka war hayn, ayaan ku soo qaadin dhibaatada arrintan shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada ee qabsoomay Khamiistii toddobaadkii hore.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga oo u xilsaaran arrimaha ganacsiga ayaan la maqal codkeeda iyo tallaabo ay qaaday midna, taasina waxay qalbi jab ku tahay shacbiga.

Dhinaca kale sarifka lacagaha qalaad gaar ahaan Doolarka ayaa isna kor u kacay maalmahan, waxase Baanka dhexe uu ka soo saaray digniino kala duwan oo uu uga digay koox sarifleyaal ah oo kordhiyay qiimaha ay ku sarifaan doolarka oo dhaafay qiimihii uu baanku hore ugu jaray.

Ugu dambayn, Xukuumadda Somaliland ayaa la eegayaa tallaabada ay qaado iyo waxa ay ku macnayso sicir bararka taabtay nolosha bulshada reer Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this