Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray qaraxii ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-e1693339103736.jpg?fit=10

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas arxan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo,  waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Cabitaanka Horseed.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo goobta soo gaaray goobihii ganacsiga iyo guryihii ku yaallay aagaas, ciidamada ammaanka oo helay xogta gaarigaas ayaa la sheegay inay ku raad joogeen ka hor inta uusan qarxin.

Baaritaano culus ayaa maanta ilaa caawa ka socda magaalada Beledweyne, waxaa laga cabsi qabaa in gaadiid kale oo qaraxyo sida ay ku jiraan gudaha magaalada oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray qaraxii ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this