Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Jaamacadda Simad oo Maanta Muqdisho Ka Daahfay Isbuuca Kulyadaha Injineerinka iyo Kombuyuutarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabadda furitaanka waxaa Kasoo qayb galay Maamulka jaamacada, aqoon yahano, ganacsato iyo sidoo kale qaar kamidaa ardayda jaamacadda dhigata, kuwaas oo ka kala socday kulyado kale duwan oo ku sugnaa madasha shirka.

Ugu horeen waxaa Madasha daahfuray gudoomiye ku xigeenka jaamacada mudane Mohamed Mohamud Mohamed isaga oo sheegay shirku inuu daaran yahay  ardaydu in ay soo bandhigaan waxqabadkooda haddana u badalaan howl la taaban karo.

Sidookale Maamule ku-xigeenka oo warkiisa sii wato ayaa raaciyey ” In ardayda fursad u tahay company-yada halkaan imaandoono iney la yeeshaan xiriir fiican kadib markee aqoontooda soo bandhigaan” sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxaa shirka ka hadlay aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo madasha ka jeedisay hadallo, waxayna amaan u jeediyeen ardayda soo bandhigtay dhismayaasha gacan ku sameyskaa ee u muuqdo mid cajiibaa sida lagu tilmamay.

Ugu dambeyn waxaa madasha  mahadcelin ka soo jeediyey ardaydii bandhigga sameynsay, kuwaas oo martida kale duwan uga mahadceliyey kasoo qeyb galka kulanka, Jaamacadda ayaa marar badan qabatay kulamada nuucaan oo kale ah.

May be an image of 9 people and text

May be an image of 2 people and headscarfMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people, suit and wrist watchMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people, beard and text that says 'COMP 023'May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of textNo photo description available.No photo description available.

W/Q/Salmaan Bashiir

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this