Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka maaliyada puntland “Dayn cafinta Soomaaliya Halla Hakiyo oo Halloo Kaadiyo inta Heshiis Laga Gaarayo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Oo ah Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in Soomaaliya laga cafiyo daynta, iyadoo aan heshiis loo ahayn siyaasad ahaan, amni ahaan, iyo dhaqaale ahaanba, wasiir Dhabancad ayaa sheegay, Puntland inay u aragto qatar weyn in lagu degdego in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo.

Dhabancad wuxuu sheegay, Soomaaliya haddii daynta laga cafiyo in ay dowladdu soo qaadanayso deymo balaayiin ah oo aan heshiis lagu ahayn sida loo qeybsanayo, taasoo uu sheegay in ay keeni karto in la musuq maasuqo, xilli Puntland ay banaanjoog ay ka aheyd dhowr shir oo ka dhacay oo golaha wadatashiga iyo hannaanka maaliyadda looga hadlay.

“Annaga dooddeena waxaa weeye, si looga heshiiyo waxyaabahaan horudhac ah, dayn cafinta halla hakiyo oo halloo kaadiyo. Halla heshiiyo oo Soomaaliya miiska ha isugu timaado. Markii laga heshiiyo aas aaska, dayn cafintu ha dhacdo,” ayuu yiri wasiir Dhabancad” ayuu yiri Wasiirka maaliyada puntland .

Wasiirka maaliyadda Puntland oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya kusii jirto habka deeqaha la siiyo, inta laga hubinayo inta dalku heshiis ka yahay waxyaabaha lagu isku khilaafsan yahay ee ku xiran dayn cafinta dalka, kaas oo dhowaan warbixin ay ksoo saaray hey’adda IMF.

Hadalka wasiirka maaliyadda Puntland, ayaa kusoo aaday, iyadoo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay shaacisay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay sharuudihii ugu dambeeyay ee deymaha looga cafinayo December 2023, waxaana lagu wadaa inuu soo baxo go’aanka ugu dambeeyo guddiga sare ee IMF.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this