Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda oo Ka Tacsiyeeyay Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Ka Dhacay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baledweyne, kaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed,

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaas oo ka socda ,eelo badan oo dalka ah.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan  in uu Eebbe u boogo dhayo,  waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan , maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalka,

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this