Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhowaad 30 Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus ka wadaan gobollada dhexe ee dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanada Miliqo iyo Baalal-dheer, isla-markaana ay beegsadeen saddex xarumood oo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanadaas.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi lagtu dilay ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay cagta mariyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay howlgalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Howlgalladan oo soo socday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul aad u ballaaran.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalkan wax ka hoggaaminaya, kaas oo u guuray caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

The post Ku dhowaad 30 Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this