Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga oo HOWLGAL ka bilaabay Baraawe + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
380842133_336144842425673_22252906559584

Baraawe (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ayaa maanta si wadajir ah howlgal culus uga wada magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ka socda gudaha degmada iyo duleedkeeda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanka iyo kiuwa howlgalka ATMIS.

Ujeedka howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay mid looga hortegayo weerarada abaabulan ee ay soo qaado kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkani, waxaana lagu sheegay in ay qayb ka qaadanayaan howlgallada ka socda Shabeelaha Hoose.

ATMIS waxa ay intaasi ku dartay inay heleen xogo amni oo ku aadan dhaq-dhaqaaq ay wadaan Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortagayaan ciidankooda iyo kuwa dowladda.

“Ciidamada isku dhafka ah ayaa sare u qaaday roondada ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka ATMIS.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana aaggaas ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayadoo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaas.

Baraawe ayaa kamid ah meelaha ay sida halisya ugu hayaan xubnaha Al-Shabaab oo marar badan soo weeraray magaaladaas oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

380787260_336144825759008_55729994132190 380842133_336144842425673_22252906559584

The post Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga oo HOWLGAL ka bilaabay Baraawe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this