Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan: K/Galbeed meel ayaa lagu ooday, waxaana u heshiiyay laba reer

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif-Xasan.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Universal.

Shariif Xasan ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay howlgallada ka socda dalka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, wuxuuna boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasigan oo rug-cadaa ah ayaa sidoo kale ka hadlay saamiga siyaasadeed ee dowladda federaalka, gaar ahaan qaybta Koonfur Galbeed oo uu aad u dhaliilay.

Waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed lagu soo ooday xilka guddoomiyaha baarlamaanka, isla-markaana ay u heshiiyeen laba reer, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu marar badan waqti kaliya in ku kursigan uu noqdo wareegto, si ay u helaan xilalka kale, sida madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha.

“Annaga maalin walba guddoomiye baarlamaan ayaa nala geeyaa, waxaana rabay guddoomiyaha baarlamaanka inuu dalka ka dhexeeyo,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mar walba waxaan rabay aniga inuu guddoomiyuhu noqdo wareegto, annagana aan mar noqon karno, qolo kalena mar noqon karto”

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in siyaasad ahaan loo riixo reer Koonfur Galbeed, balse dadaallo badan uu sameeyay balse uusan ku guulaysan.

“Annaga meel ayaan nagula ooday oo laba reer ayaa noo heshiiyay, waxaana la yiri guddoomiye ayaa aadeysiin, marka in naloo dooro guddoomiyaha qof naloo keeno kursigana kaas ayaa leedihiin aniga inta aan ka diriraayay intaas ayay aheyd” ayuu yiri.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha Koonfur Galbeedm isaga oo xusay in ujeedkiisa uu yahay inay gaarto horumar, sidoo kale laga saaro kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed aniga waxaan ka rabaa inay dowlad ka dhisanto ay hano qaato, dadku inay nabad ahaan, Shabaabkaas laga adkaado,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

The post Shariif Xasan: K/Galbeed meel ayaa lagu ooday, waxaana u heshiiyay laba reer appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this