Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle Oo Qaabilay Wasiirro ka Tirsan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Geelle oo Qaabilay Wasiirro ka Tirsan Somaliland
IMG-20230923-WA00051.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa masnta qaabilay wefti Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciise Keyd iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) waxa ay madaxweynaha Jabuuti kala hadleen iskaashiga labada dal gaar ahaan Amniga iyo Ganacsiga waxa sidoo kale kulankaasi ku wehelinaayay wakiilka Somaliland ee dalka Djibouti mudane Ambasadoor Cabdifataax.

Ma jiro tafaasiil dheeraad ah oo labada dawladood ka soo saareen socdaalka iyo kulamada weftiga Wasiirrada Somaliland la yeesheen madaxda Dawladda Jabuuti.

Somaliland iyo Jabuuti waxa ka dhexeeyay xidhiidh saaxiibtinimo waxana labada dal ay leeyihiin safaarado midba midka kale ku leeyahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this