Sign in to follow this  
Deeq A.

Ģolaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Wasiirka Maalgashiga iyo Gud. Kuxigeenka Baanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ģolaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Wasiirka Maalgashiga iyo Gud. Kuxigeenka Baanka

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyey Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Cabdi Cismaan (Dhega Weyne) iyo Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Fadhigii saaka ee golaha wakiillada JSL, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaana fadhigaas kasoo xaadiray 61 mudane oo ka tirsan mudaneyaasha Golahaas.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland Cabdi Cismaan (Dhega Weyne) iyo Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa ansixintooda ogolaaday 61 Xildhibaan, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

Dhinaca kalena Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland Professor Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ku wargeliyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland in dib loo dhigay fasixii Golahaas muddo 2 toddobaad ah, maadaama oo ay Golaha u yaallaan hawlo baaxad lihi, iyada oo xildhibaannada loo qaybiyey lifaaqa wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Ciidamada Qaranka Somaliland oo ay xildhibaannadu soo akhrisan doonaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this