Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Dhigan Tahay in Soomaaliya iyo Deymo Ay Kala Dhammaadeen,  Kobac Dhaqaalana uu Jiro?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixinta ay jimcihii soo saareen IMF ee ahayd in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan heerarkii deyn cafinta waa mirodhalka dadaallo ay Muqdisho wadday tan iyo markii dib loo soo celiyay  xiriirka hey’adda lacaga 2013-kii, deynta oo laga keenay US$5.2 Billion ayaa maanta taagan wax kayar US$600.

Qoraalka IMF oo dhinacyo badnaa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegistii 6-aad ee den cafinta ECF, ayna gaarayso marxaladda go’aanka December 2023, haddana go’aanka horyaallo Guddiga Sare ee Hey’adda IMF.

Warbixinta waxaa ku xusnaa in inkasta oo ay Soomaaliya la tacaalayso abaaro, fatahaado, xawaaladihii oo yaraaday iyo amniga darro hadana ay ku guulaysatay dib u habeynta dhaqaalaha oo ay gaarayso barta deymaha lagu xafiyo December 2023-ka iyada oo wada hadallada labada dhinac ay u gudbeen marxaladdaasi kadib, lana filayo in markan uu dalku helo maaliyad loo isticmaalo mashaariic horumarineed  oo dhinac walba ah, oo ay ugu horeeyaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Waaxaa muuqata in deymihii oo dhan la cafiyay kadib wada hadallada ay dowladda Soomaaliya la gashay hey’adaha iyo dalalka ku lahaa sida naadiga Paris.

Kobac Dhaqaale:

Sanduuqa waxaa uu warbixintiisa ku sheegay inuu la dhacsan tahay Soomaaliya,  kobaca dhaqaalahana  uu gaarayo ilaa 2.8 halka uu kordhay dhakhliga gudaha, waxaa kale oo lagu guulaysatay canshuurta laga qaadayo hey’adaha, la socodka iibka iyo hagaajinta nidaamka mushaaraadka iyada oo 2024-ka ay dowladda Soomaaliya ku filnaan doonto bixinta mushaaraadka shaqaalaha, kana maarmi doonto kab. Waxaa taasi barbar socda howlaha fiican ee Bangiga dhexe uu ka hayo horurminta dib u habeynta maaliyadda, sharciyaynta hey’adaha iyo kormeerkooda iyo weliba qaadista tallaabooyin wax looga qabanyo lacag dhaqista iyo maalgelinta argigixisada.

Saadaalinta Hey’adda lacagta adduunka waxaa ka mid ah in marka laga soo tago mustqabalka fiican ee Soomaaliya sugaya ee deyn cafinta kadib hadana uu jiro horumar dhinac walba ah oo gudaha ah, 2024-kana la filayo horumar amni, mid dhaqaale iyo qaar kale.

Guusha Aragtida Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa xusid mudan in barnaamijkan deyn cafinta uu abaabulkiisa lahaa madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligiisa hore soo celisay xiriira hay’adda lacagta adduunka IMF April 12, 2013,  taasoo ay la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska, lagana gudbay marxaladaha ugu horeeyay.

10 sano oo hannaanka deyn cafinta uu soo jiitamayay, waxaa lasoo gaaray xilligii ay Soomaaliya ka gudbi lahayd qaansheegad la sameeyay iyada oo aanay noolayn 75% dadka hadda nool, lagana fekeri lahaa mashaariic waaweyn oo horuramin iyo la jaanqaadidda caalamka ee dhinac walba.

Guusha laga gaaray deyn cafinta awgeed, Soomaaliya waxaa u baryay waacusub, oo jiilka cusub heli doonaan fursado fiican oo dhinac walba ah, waxaana lagu wadaa in December sanadkaan Soomaaliya ay u noqoto waa ka duwan marxaladda hadda jirta oo bishaas laga dhamaanayo Deymaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this