Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo New York Kula Kulmay Madax Kale oo Daneeya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa kulamo dooceedyo waxaa uu la qaatay madax kale duwan, kuwaas oo kamid ah daneeyeyaasha arrimaha Sooaaliya.

Kulamadaan ayaa intooda badan waxaa ay noqdeen kuwa mirodhal ahaa, waxaana dhammaantood  looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, arrimaha gargaarka iyo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo barnaamijka Deyn cafinta oo xilligaan ku jirta heer gabagabo ah .

Kulanmkii Ra’iisulwasaare Xamse iyo Madaxweyne Joe Biden,

Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa kulankoodda uga wada hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageeridda dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamada qaranka ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka, kadib howlka Afrika.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale, iyadoo Soomalaiya ay soo gaartay heer gabagabo ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hey’adda lacagta adduunka IMF, kadib kulan kusoo dhammaaday Nairobi.

                                 Kulanmkii Ra’iisulwasaaraha iyo Antonio Guterres

Antonio Guterres xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kulanka uu la qaatay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka dhignaa inuu ahaa kulan mirodhal noqday, waxaana diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ku aadan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii ay ugu soo laaban laheyn saaxada arrimaha caalamka lagu gorfeeyo, tan iyo markii la hlay dowladda federalka 2012.

Kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto sahankiisa gaaritaanka.

 

            Kulankii Ra’iisulwasaare Xamse iyo Agaasimaha hey’adda lacagta adduunka AMF

Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka koowaad ee xukuumadda Danqaran oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana kulankooda diiradda lagu saaray arrimaha Barnaamijka Deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo soo gaaray heer gabagabo ah, go’aanna laga gaarayo bisha December 2023.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu gorfeeyey  dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib, Agaasimaha IMF-ta ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta.

Kulamadaan oo dhan ayaa waxaa ay saldhig u ahaayeen sidii dowladda Soomaaliya isbedelka ay sameysay dunida loogu soo bandhigi lahaa ee dhinac waliba ah, iyadoo xilligaan lagu jiro dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oomadaxweynaha Jamhuuriyadda bishii labaad uu ugu sugan yahay ,magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug uu ka hoggaaminayo dagaalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this