Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciimada Puntland oo Xukun Ku Ridday Rag Lagu Eedeeyay Ka Tirsanaanta Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo lagu eedeeyey iney kamid ahaayeen kooxda, sida laga hor cadeeyey fadhiga maxkamdda oo xeer ilaalintu ay soo bandhigtay.

Xubnahan ayey Maxkamada Ciidanka Puntland ku kala xukuntay xukuno kala duwan, waxaana xusid mudan in dhammaantood ay yihiin rag, oo lagu soo oogay kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish eek u sugan dhulka buuraha gobolka Bari, halkaas oo ay fariisimo ay ku leeyihiin.

1: Salmaan Faarax Maxamed waxay Maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah, halka  2: Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah, iyadoo  3: Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

Maxkamadda ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa marar kale duwan u fariisatay kiisas la xiriira rag loo heysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya, waxaana xusid mudan marar badan lagu xukunno isugu jiro dil toogasho iyo xabsi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this