Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695447605252.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay  ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this