Sign in to follow this  
Deeq A.

Colaadda beelaha ee ka aloosan Somaliland oo samaayn ku yeelatay ciidamada maamulkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695450383446.jpg?resize=720%2C43

Colaad beeleedyo kala duwan oo ka aloosan degaanno ka tirsan Somaliland ayaa saamayn taban ku yeeshay ciidamada maamulkaas.

Dagaallada beelaha ee ka taagan Ceel-afweyn iyo Cali Saahid ayaa sida wararku sheegayaan saameeyay ciidamadii jabay ee Somaliland oo ku sugan duleedka Oog.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Somaliland ee ku sugan Oog ay bilaabeen in ay qaarkood u goostaan degaannada lagu dagaallamayo si ay u difaacaan beelahooda.

Tan ayaa ka dhigan in colaadda beelaha ee gudaha Somaliland ay sii kala qeybisay ciidamadii ku jabay Gooja-cadde oo horaba uu dhex yaallay kala shaki uu sababay jabkaas ciidan.

PUNTLAND POST

The post Colaadda beelaha ee ka aloosan Somaliland oo samaayn ku yeelatay ciidamada maamulkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this