Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230923_111208186.jpg?resize=719

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland qaybteeda Boosaaso ayaa xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsan argagixisada Daacish.

Maxkamadda ayaa xukuntay saddex xubnood oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Daacish kuwaas oo uu ku jiro nin nabaddoon ah.

Nabaddoon Cabdullaahi Shire Maxamuud oo lagu helay in uu marar kala duwan damiintay xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu xukumay shan sanno oo xabsi ah.

Salmaan Faarax Maxamed oo ka tirsan Daacish islamarkaana ahaa qofkii u danbeeyay oo uu damiinto nabaddoon Cabdullaahi Shire ayaa isna lagu xukunay 15 sano oo xabsi ah.

Sidoo kale Maxamed Axmed Maxamuud oo isna lagu helay kamid ahaanshaha argagixisada Daacish ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this