Xaaji Xunjuf Posted August 4, 2010 Siilaanyo ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyanimada Kulmiye ugu wareejiyay Muj: Muuse Biixi Cabdi Written by Qarannews Aug 04, 2010 at 07:19 AM Hargeysa,(Qarannews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane; Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi Siilaanyo waxa uu xafladii xilwareejinta ee Guddoomiyenimada Xisbiga ka sheegay inuu xisbigu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye ee Burco kaasoo ay ka mid ahayd inuu xilka wareejiyo haddii uu ku guulaysto talada Dalka., isagoo qadarinaya inaanu laba xil qofna isku hayn karina uu maanta go’aansaday inuu wareejiyo Intaanu xilka wareejin ka hor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay xukuumad ahaan inay ku mashquulsan yihiin dhismaha Xukuumadda isla markaana ay magacaabeen Golihii wasiirada, taasoo uu sheegay inay ku keentay caqabado badan oo ay ugu weyn tahay xukuumadda la yareeyay oo sababtay dadkii iska waayay inay siyaabo badan u saamaysay, waxaanu ka codsaday dadka dareenkoodu lab kacay inay isdajiyaan oo aanay xanaaqin Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta lagu wareejiyay xilka Xisbiga ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad naqay sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay isagoo sheegay inay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii xisbiga wareejiyay, waxaanu xusay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay Macallinkiisii Siyaasada haday tahay Halgankii iyo haday tahay ta xisbinimadaba Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inuu yahay Siyaasi aragtidiisu dheer tahay isla markaana fuliya balamaha, waxaanu xusay maanta oo kaliya inaanu ku sifoobin inuu qadariyo heshiiskii xisbigiisu galay ee uu hore tan oo kale u sameeyay gaar ahaana wakhtigii SNM ee Bali-gaubadle, isagoo intaa raaciyay inuu la shaqayn doono ee aanu ka hor imanayn Waxa munaasibadii xil wareejinta ka hadlay Lbada Guddoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Saleebaan Maxamud Aadan iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, waxaanay labada Guddoomiye u mahadnaqeen Madaxweyne Siilaanyo sida uu u wareejiyay Guddoomiyenimadii xisbiga, Muuse Biixina waxay u rajeeyeen in Illaahay u fududeeyo xisbiga iyagoo labada masuul Siilanyo iyo Muuseba ka codsaday inay Xisbiyada Mucaaradka ahna dhisaan Waaheen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 4, 2010 Video http://www.youtube.com/watch?v=hh0kF6pP3GU&feature=player_embedded#! http://www.youtube.com/watch?v=lWON4fZDOYA&feature=player_embedded Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANTARA Posted August 4, 2010 Siiraanyo is a very shrewd politician; the timing of it is clever. Imagine if this happened before selecting the cabinet, Biixi's supporters would have expected more. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2010 I don't personally like Muse Bihi ,,, but good luck to him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 5, 2010 Muse Bixi waan jeclahay. Dadka marka xaaladu adag tahay ummaddoda u halgama waa dad fiican. He was a good fighter and leader during SNM days. Ma aha kuwa Diaspora'ka ka yimaada markay xaaladu kala dagto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2010 That is not my point ............ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 5, 2010 I didn't talk about your point. I talked about mine. Midda kale adigu sow dawladii Riyaale maadan aheyn maxaa kaa galay Kulmiye isdoorashadiisa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2010 Suuqii "Doqon ma waaye" ma xasuusataa ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 5, 2010 Haa, laakin dee suuqaas Tuug ayaa rer-miyi ku dhici jiray. Markaa ma reerka Tuugta leh, mise kuwa xoolaha soo iib geeya ayaa ku ceebaysan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2010 anigu suuqa uun baan ku waydiiyay iyo magaciisa wanaagsan ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 5, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: I don't personally like Muse Bihi ,,, but good luck to him. You never liked any one from the kulmiye camp remember Quote Share this post Link to post Share on other sites
juma-nne Posted August 5, 2010 Muse Bixi waan jeclahay. Dadka marka xaaladu adag tahay ummaddoda u halgama waa dad fiican. He was a good fighter and leader during SNM days. Ma aha kuwa Diaspora'ka ka yimaada markay xaaladu kala dagto. -------------------- Good Point. Inta nolosha qurbaha ka dhacday ee meesha u xil doonatay tiro maleh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Land_Soldier Posted August 6, 2010 Originally posted by juma-nne: quote: Muse Bixi waan jeclahay. Dadka marka xaaladu adag tahay ummaddoda u halgama waa dad fiican. He was a good fighter and leader during SNM days. Ma aha kuwa Diaspora'ka ka yimaada markay xaaladu kala dagto. -------------------- Good Point. Inta nolosha qurbaha ka dhacday ee meesha u xil doonatay tiro maleh. Sxb, that is a personal attack on individual SOL members. We all know who you mean by this. Quit your personal attacks and say directly to Xaji Xunjuf what you have to say to him. Quote Share this post Link to post Share on other sites