Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Lagaga Hadlayay Aqoonta Bulshada ee Maareynta Masiibooyinka oo lagu Qabtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan Lagaga Hadlayay Aqoonta Bulshada ee Maareynta Masiibooyinka oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa furay kulan lagaga hadlaayey kor u qaadista aqoonta bulshada ee dhanka Maareynta Masiibooyinka.

Kulankan waxa ka soo qayb galay hay’addaha ay shaqo wadaagta yihiin Hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka, kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlayay hay’adda aafooyinka iyo hay’addaha kale, madaama ay culaysyo badan oo dhanka Aafooyinka ahi ay soo kordheen.

Sidoo kale masuuliyiinta hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka kulankani uu ahaa in dib u eegis lagu sameeyo buug yaraha ay ha’adda U Diyaar Garowga aafooyinku hore uga soo saartay maaraynta Aafooyinka.

Guddoomiyaha hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in kulankan lagu eegaayey sidii loo diyaarin lahaa, loona horumarin lahaa qaabka loogu diyaar garoobaayo dhibaatooyinka joogtada ah ee adduunka ka dhacaaya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this